Monday, June 30, 2014

somaliyeey toosoo: TAARIIKHDA ABWAAN MAXAMUUD TUKAALE CISMAAN

somaliyeey toosoo: TAARIIKHDA ABWAAN MAXAMUUD TUKAALE CISMAAN:                                 Abwaankii abwaanada somaliyeed ee Maxamauud Tukaale Cismaan (AHUN) ninkaas oo ahaa wadani som...

Sunday, March 2, 2014

TAARIIKHDII ABWAAN SANGUB

WAREYSI SANGUB JABUUTI Taariikhdiisa inta wax uu sameeyey Cabdi Weli Garyare
daawo abwaanka caanka ah ee SANGUB oo kawaramaya taariikhdiisa

TAARIIKHDA ABWAAN MAXAMUUD TUKAALE CISMAAN

                               
Abwaankii abwaanada somaliyeed ee Geri koombe , Maxamauud Tukaale Cismaan (AHUN) ninkaas oo ahaa wadani somali dhab ah ninkii tiriyey 1. Ducaysane wiilkayow anoo dan yar baan ku dhalay. 2. somali hadaan nahay sinji baanu leenahay 3.AXMED gurey ma uu dhiman , ma goblamin darwiishkii. 4.culumada wayen aduuknee caafimaadka baartay cuduradaan la dabar goyn caashaqa ha lagu daro 5. Alaa weyn ninkii aminaa awood leh , umad waliba ayaaheeda inay ka taliso iyadaa leh 6. riyaawaydii HABALAYAHOW HADMAAD GUURSAN DOONTAAN. 7. DOOB QALANJADII GABAY. 8. MARKAAN DADA JIRAY 15 TOBAN 9. HAADKA SAMADA DUULIYO DIINKUBA U SIMAN CALAF. Allow u naxariiso ABWAANKII abwaanada ee Maxamuud Tukaale cismaan , ninkaas oo ka soo jeeda beel weynta garaadada GERI KOOMBE. VIVA GERI KOOMBE AXMED GUREY, TUKAALE, GARADADA , THE LEADERS OF HERAR AND JIGJIGA, GERI KOOMBE WAA DAD JECEL TOLKOOD IYO SOMALINIMADABA.

Sunday, February 23, 2014

sawir in wax algu qaato mudan

FADLAN HADDII ALLE SCW LIXDAADA LAXAAD KUU DHAMAYSTIRAY MAHAD NAQAIISA HA YARAYNIN

TAARIIKHDA SOOMAALIYA

Soomaaliya (Carabi: الصومال‎ aṣ-Ṣūmāl) ama Jamhuuriyadda Soomaaliya (Carabi: جمهورية الصومال‎ Jumhūriyyat aṣ-Ṣūmāl) (waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii kacaankii hore), waa wadan ku yaalla Geeska Afrika oo deris la ah JabuutiItoobiya iyo Kiinya.
Sidii uu u bilowday Dagaaladii Sokeeye 1991, Soomaaliya ma lahayn dawlad dhexe oo wadanka oo dhan ka shaqaysa. Hadda waxaa Soomaaliya ka jira Dawlad federaal lagu sheego taasoo dastuurkeeda aan laga helin ogolaasho xagga shacabka ah caalamkuna aqoonsanayahay hase yeeshee aan weli awood u helin in ay wada hanato maamulka dalka, waxayna ku koobantahay caasimada Muqdisho. Dhibaatooyinka dagaal iyo khilaafka joogtada ah ee hareeyey siyaasadda Soomaaliya waxay sababeen incaalamku u aqoonsado Wadan Fashilmay, wadanka aduunka ugu saboolsan iyo wadanka aduunka ugu halis badan.
Waqtiyadii hore Soomaaliya waxay ahayd xarun ganacsi ahaan muhiim u ah aduunka[2] waxaana raadraaca taariikhdu xusaysaa in dhulka hadda Soomaaliya loo yaqaan uu ka mid yahay aaggii Dhul Udug.[3][4] Waqtiyadii dhexe waxaa Soomaaliya xoog ku lahaa imbaradooriyado ay ka mid ahaayeen Dowladii Ajuuraan, Muwaladiintii Yemen ka timi Saldanadii CadalSaldanadii Warsangeli. Dhammaadkii qarnigii sagaal-iyo-tobnaad waxaa Ingriiska iyo Talyaanigu soo galeen dhulalka xeebaha ah ee Soomaaliya halkaasoo ay ka asaaseen Dhulka Biritishka ee Soomaaliya iyo Dhulka Talyaaniga ee Soomaaliya[5] oo loo kala baxshay dhulalkii ay qabsadeen. Dhaqdhaqaaqyadii ka soo horjeeday qabsashada gumeysiga waxaa ka mid ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xassan oo afar jeer jebiyey Ingiriiska, haseyeeshee waxaa Daraawiishi jabtay 1920 markii Ingiriisku u adeegsaday diyaaradaha dagaalka, taasoo Soomaaliya ka dhigaysa waddankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo loo adeegsado diyaaro dagaal.Jabkii Daraawiishta ka dib, Talyaanigu wuxuu si buuxda ula wareegay qaybtii uu Soomaaliya ka gumeystay 1927, halkaas oo ay haysteen illaa 1941 ka dibna waxaa kala wareegay maamulkii millateriga ee Biritishka. Woqooyiga Soomaaliya wuxuu ku sii nagaaday ilaalada Biritishka halka Koonfurtuna ay sugeysey madaxbannaani. 1 Luulyo 1960kii waxaa fadhi baarlamaan oo uu gudoominayey Mudane Xaaji Bashiir Ismaaciil Yuusuf lagu ansaxiyey midnimadii Soomaaliya, waxaana labadii gobol ee Woqooyi iyo Koonfur ku midoobeen magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana xukunka qabtay dawlad shibil ah oo Madaxweyne ku-meel gaar ah loogu doortay Mudane Aaden Cabdulle Cismaan.[6] 1969 waxaa afgenbi millateri xukunka kula wareegay Maxamed Siyaad Barre wuxuuna asaasay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Dawladdii Siyaad Barre waxay burburtay 1991, waxaana qarxay dagaal sokeeye.
Tan iyo 1991, ma jirin dawlad dhexe wada hanatay maamulka dalka inkastoo ay jireen dhowr iskuday oo lagu doonayey in lagu mideeyo dalka, haseyeeshee fashilmay[7]. gobolda waqooyi waxaa ka jira maamul goboleedka somaliland oo kamid ah soomaaliya walow ay ku doodaan iny ka goeen somaliya inteeda kale[8] Gobollada woqooyibari waxaa ka jira Dawlad-goboleedkaPuntland oo sheegtay inaysan ka go'in Soomaaliya. [9] Qaybo badan oo koonfurta dalka ka mid ah waxaa koontaroolla Islaamiyiinta Al-Shabaab.
Markii dawlad dhexe la wayaaye, waxay dadka Soomaaliya ku nooli ku xalliyaan ismaandhaafkooda sharciyo hoosaad, sida shibil,sharciga Islaamka iyo xeer. [10] Intii burburku ka jirey waxaa dhaqaalaha dalku ku tiirsanaa ilo aan caadi ahayn sida xoolaha nool, shirkadaha xawaaladaha iyo kuwa isgaarsiinta. [11]waxaa markii uugu horeeyay mudo laga joogo 21 sano ay somaliya ka baxday ku meel gaar ayada oo u tilaabtay dinaca dimuqraadiga taariikhdu marka ay aheyd 10 sep 2012 baarlamaanka somaliya ay soo doorteen madax wene dimuqraadi ee dalka jamhuuriyada somaliya madaxweynahaas oo lagu magacaabo xasan shiikh maxamuud,xasan shiikh maxamuud ayaa doorashada kaga guuleestay madaxweynihii hore ee dowlada kumeelgaarka somaliya shiikh shariif shiikh axmed. somaliya oo u tilaabtay dhinaca hormarka caalamkana ay si weyn u taageer sanyihiin ayaan waxaa laga filayaa in ay noqoto dowlada sidii hore dhaanta ama ka fiican ayada ay dowlada somaliya gacanta ku heeso magaalooyinka koonfurta dalka somaliya oo ay hogaamineeso magaalada muqdisho waxaana caawinaad ka siiyay ciidama afrika ee amisom oo uu hogaaminaayo general mahige iyo dowlada oganda.Category-History_of_Somalia